|
KODMOSCHOOL Waa Nayaayiro.
Hordhac:
Kodmoschool (Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kodmo) waxaa dhismihii u horreyay laga taagay tuuladda Xumbays, Puntland, oo ah meel xoolo dhaqato kali ah ay degto dabayaaqadii 1998. Waxaa lagu bilaabay laba qol oo ay ku deeqeen qurbakunool-ka Maraykanka jirta gaar ahaan Minnesota . Sannad dugsiyeedkii u horreyey wuxuu bilawday April, 1999 kuna bilawday 25 arday iyo hal macallim. Maanta wuxuu ka kooban yahay 5 qol, laba musqulood, mid gabdhaha iyo mid wiilasha, xafiis iyo berked biyood. In kastoo arday badani bedel u qaadatay Boosaaso iyo Galkacayo waxaa hadda dhigta 155 arday oo ah illaa iyo fasalka 8aad waxaa joogto ku ah 4 macallim. Waxaa iyana wax ku barta dadka waaweyn xilliyadda qaarkood. Ogow Kodmoschool wuxuu ku yaal meel baadiye ah.
Maxaa Keenay Bilaabidda Kodmoschool:
1990-nadii ayaa bulshada deggan Woqooyiga Maraykanka waxaa ka batay baryo ka imaanaysa dadka Soomaaliya ku nool gaar ahaanna reer guuraaga iyagoo saboolnimo sheeganaya. Haddii baahidooda la eegay ma eeyan noqon masiibo rabbaani ah oo ku habsatay, balse, waxay noqotay in reer guuraaga Soomaliyeed waayuhu ka horyimaadeen. Reer guuraagu waxay noqdeen dad wali hantidooda ku xisaabiya tirada geela, lo’da, iyo ariga ay haystaan inkastoo noloshoodu ku xirantahay waxay magaalo ka soo gataan iyagoon dhaqan magaalona waxba ugu talagelin. Marka la isu soo ururiyo cilladda haysataa waxay noqotay in reer miyaga Soomaaliyeed maskaxdoodu joogto beri samaadkii ay dhasheen aabahay awoowihiis Bilcil Cali iyo Boqor Cusman Allaha u naxariistee, iyadoo run ahaantii jirkoodu joogo wakhtiga xaadirkaa.
Markii la helay sababta keentay baahidooda iyo baryadooda ayaa 1998dii dhallinyarada ku nool W. Maraykanka iyo Eng. Yusuf Ali Faray oo Soomaalia joogay ay go’aansadeen in reer miyiga maskaxdooda la weeraro laguna weeraro waxbarasho! Gaar ahaanna in jiilka soo koraaya fursad loo siiyo sidii aduunkan ay ku nool yihiin ay wax ula qaybsan kari lahaayeen. Waxaa markaa si tijaabo ah magaalada Xumbays oo ku taal Dooxada Kodmo laga bilaabay Kodmoschool.
Waxtarka Waxbarashada:
Afartii qarni oo ugu dambaysay qofka madoobi wuxuu ahaa mid laga gacansareeyo. Qarnigii u dambayay waxaa ku soo biiray qofka muslimka ah. Qofka Soomaaliga ah ayaan darada haysata waa in uu labadaba yahay. Keenna reer guuraaga ahi guraduu u fadhiyaa oo dad ugu danbeeyaa. Waxaa haddaba jira ra’yiyo is barbar socda oo gobanimo doon ah. Ra’yi waa ha la diriro. Ra’yina waa qiimaha iyo tayada qofka madow ama muslimka ah ha la soo qaado waayo waxaa gunnimadaba keenay waa qofka oo aan qiimo lahayn. Qofka aadanaha ah sideedaba aqoonta ayuu qiimo ku yeesha! Sidaa darteed ayay lagama maarmaan tahay in fursad waxbarasho la siiyo ubadka soo koraaya. Bal day, faraqa u dhexeeya wiilka dayax gacmeedka gamaaya ama quwadda nukliyeerka dabka ka dhalinaaya iyo kan geeljirka ah oo habeedda geela leh waa in uu kan hore fursad waxbarasho helay geeljirkuna uu helin.
Kodmoschool wuxuu noqday runtii mid wax weyn ka badelay ra’yiga qurbakunool-ka taageera oo ku kala baahsan W. Maraykanka, Eurupe, iyo Carabta. Qurbakunool-ku waxay garteen in dadka oo loo diro masruuf ay ku noolaadaan oo ayan garab socon sidii qofka tayadiisa sare loogu qaadi lahaa si uu isugu filaado, in macnaheedu yahay sii hal kaluun ah oo uu maalin ku qadeeyo balse ayan barayn kaluumaysi. Sidoo kale, reer guuraaga Dooxada Kodmo durba waxay garteen muhimadda waxbaridda ubadka soo koraaya. Runtii waxaaba dhacday in reer guuraaga qaarkii uu diiday in uu wax weyn ka fogaado Xumbays si caruurtoodu ayan waxbarashada uga qadin. Waxaa iyana arday ay ka timaadaa tuulooyinka u dhow dhow sida Maygaag iyo Qodax.
In la horumariyo deegaanka, iyo in dadka la baro inay kheyraadka dalka ka faa’idaystaan waxay u baahan tahay in la soo saaro dad ehel u ah oo wax yaqaan. Ujeedada Kodmoschool waa in jiilka soo kacaya la baro sidii ay isku filaansho ka sokow awood ugu yeelan lahaayeen in ay ka faa’idaystaan khayraadka Eebbe dalka ku manaystay.
Aragtida Mustaqbalka Kodmoschool waa ka baxay tijaabo oo sanadkan ayaa waxaa ka soo qalin jebinaaya fasalkii sideedaad ee ugu horeeyay. Waxaana bulshadii indheer garadka ahayd ee bilawday ay doonayaan in ay ku talaabsadaan dhismo Dugsi Sare. Waxaa hadda laga bartaa maadooyinkan: Saynis, Xisaab, Carabi, Tarbiya Islaamiyah, Taariikh, Juqraafi, English, iyo Soomaali. Haddaba, maadaama tijaabadii Kodmoschool lagu guulaystay waa in loo gudbaa tuulooyinka kale ee reer guuraagu ku xiran yihiin ee ku yaal deegaanka Puntland ee u dhow, sida Rakko Raaxo, Xiriiro, Cambaaro Sare iyo Hoose, Af Xarago, Unuun, iwm. Filimaayo in cid aan ahayn bulshada deegaanadaas ku nool ama ka soo jeeda in ay wax ka bilaabid noocaas ah ay samaynayso. Sacabadaadaa biyo lagaga dhergaa. Ujeedaduna waa in ubadka labaro siday harumar u samayn lahayeen oo ayasan qowle u noqon. Barbarkay ka baxdaa waa bakayla galeen.
U Mahad Celin:
Waxaa runtii xusid mudan halyayada wakhtigooda iyo maalkooda u huray in ay aragtidaa suura geliyaan. Waxaan gaar ahaan xusayaa Eng. Yusuf Ali, Yusuf Qandala iyo A/risaq Bogcad oo suura geliyay in Kodmoschool iyo ujeedadiisu ay noqdaan mid ku dayasho mudan. Eebbe ha u naxariistee macallim Ahmed aw-Yusuf oo dhowaan ku dhintay shil baabuur ayaa isna udub dhexaad u ahaa waxbaridda ardada iyo maamulka dugsiga. Ugu dambayntii waxaa xusid mudan wiilasha iyo gabdhaha ku kala baahsan aduunka oo suurta gal ka dhigay in ay bilwalba ku taageeraan hantidooda sidii ay fursad waxbarasho u heli lahaayeen ubadkaa Soomaaliyeed. Deeqdaas ayaana suurta gelisay bixinta mushaharka macallimiinta iyo fidinta dhismahaba.
Gunaanad:
Ogow qof walba oo wax garanaaya waajib ayay ku tahay baahinta waxbarashadu, iyo in dadka lagu taageero sidii ay u baran lahaayeen in ay maalin walba qadayaan intii qada maalin ah la siin lahaa. Qofkii Eebbe dartii wax u baxshay Eebbe ayaa abaalmarin u balan qaaday. Qofkii rag is ka row wax u baxshana waxuu dhowaan arki doontaa gabdho iyo wiilal idinka Eebbe ah dhakhaatiir, injineero, nurseyo, saraakiil, farsamo yaqaano, siyaasiyiin, iwm, kuwaasoo runtii wax weyn ka bedeli doona nolosha iyo habka dhaqan dhaqaale ee reer guuraaga ay matalaan.
Diyaariye
Mr. Maxamed Ismaaciil
|